Saturday, 25 November 2017

DOWLADA BANGALADESH OO FAAHFAAHISAY DIB U CELINTA QAXOOTIGA ROHINGY

DOWLADA BANGALADESH OO FAAHFAAHIN KA BIXISAY DIB U CELIN QAXOOTIGA ROHINGY
25 Nofembar 201
Lahaanshaha sawirka AFP/ GETTY IMAGES
Xukuumadda Bangladesh ayaa sheegtay in Muslimiinta Rohingya ee dib loogu celinayo Myanmar ka dib heshiis dhexmaray labada dal ay ku noolaan doonaan guriyo kumeel gaar ah ama xarooyiin.
Wasiirka arrimaha dibadda, A H Maxmuud Cali, ayaa sheegay in maadaama guriyahii tuulooyiinka dadka Rohingya la gubay ay tahay in waqti cayiman ay ku noolaadaan xarooyiin ilaa dib looga dhisayo guriyahooda.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 600,000 oo ah Muslimiinta Rohingya ay u qaxeen dalka Bangladesh tan iyo bishii August.
Sargaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaamay wixii ka dhacay dalka Myanmar in uu ahaa isirsifeyn.
Heshiis ay kala saxiixdeen khamiistii dowladaha Bangaladesh iyo Myanmar ayaa wadada u xaaraya geedi socod dib loogu daad gureynayo qaxootiga Rohingya ee ku soo qaxay Bangaladesh.
Howlsha dib u celinta qaxootiga Rohingya ayaa bilaabanaysa muddo laba bilood gudahood ah.
Hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka a ayaa ka digay in si qasab ah lagu celiyo qaxootiga Rohingya ee ka soo qaxay dalka Burme.
https://calisaxafi.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi/
http://m.facebook.com/FREEBURMA2017/
calisaxafi@gmail.com
Cali M Gaaboow

DOWLADA BANGALADESH OO FAAHFAAHIN KA BIXISAY DIB U CELIN QAXOOTIGA ROHINGY 25 Nofembar 201 Lahaanshaha sawirka AFP/ GETTY IMAGES Xukuumadda Bangladesh ayaa sheegtay in Muslimiinta Rohingya ee dib loogu celinayo Myanmar ka dib heshiis dhexmaray labada dal ay ku noolaan doonaan guriyo kumeel gaar ah ama xarooyiin. Wasiirka arrimaha dibadda, A H Maxmuud Cali, ayaa sheegay in maadaama guriyahii tuulooyiinka dadka Rohingya la gubay ay tahay in waqti cayiman ay ku noolaadaan xarooyiin ilaa dib looga dhisayo guriyahooda. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 600,000 oo ah Muslimiinta Rohingya ay u qaxeen dalka Bangladesh tan iyo bishii August. Sargaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaamay wixii ka dhacay dalka Myanmar in uu ahaa isirsifeyn. Heshiis ay kala saxiixdeen khamiistii dowladaha Bangaladesh iyo Myanmar ayaa wadada u xaaraya geedi socod dib loogu daad gureynayo qaxootiga Rohingya ee ku soo qaxay Bangaladesh. Howlsha dib u celinta qaxootiga Rohingya ayaa bilaabanaysa muddo laba bilood gudahood ah. Hay’adaha caalamiga ah ee gargaarka a ayaa ka digay in si qasab ah lagu celiyo qaxootiga Rohingya ee ka soo qaxay dalka Burme. https://calisaxafi.wordpress.com http://m.facebook.com/calisuxufi/ http://m.facebook.com/FREEBURMA2017/ calisaxafi@gmail.com Cali M Gaaboow

https://calisaxafi.wordpress.com/2017/11/25/dowlada-bangaladesh-oo-faahfaahin-ka-bixisay-dib-u-celin-qaxootiga-rohingy/?preview=true

Friday, 24 November 2017

QEYBTII UGU HOREYSAY CIIDAMADA AMISOM OO TODOBAADKA SOO SOCDA KA BAXAAYA SOOMAALIYA

Qeybtii u horeysay Ciidamada AMISOM oo todobaadka soo socda ka baxaya Soomaaliya
November 24, 2017
Illaa Kun askari oo ka mid ah howl galka AMISOM ayaa bisha soo socota ka bixi doona Soomaaliya, iyadoo lagu wado in qeybtii u horeysay ka bixitaanka Ciidamada ay bilaaban doonaan horaanta Todobaadka soo socda.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Richard Karimere ayaa sheegay in illaa 281 askari oo u dhashay dalka Uganda, qeybna ka ah 1,000 askari laga soo saari doono Soomaaliya horaanta todobaadka soo socda
Qorshaha ka bixitaanka Ciidamada Uganda ayaa qaadan doona illaa 31 bisha December ee dhamaadka sanadkan.
Saraakiisha UPDF ayaa sheegay in go’aanka ka bixitaanka AMISOM uu yahay sidii Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fursad loogu siin lahaa sidii ay ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen.
Cutubkii u horeeyay Ciidamo ka socda Uganda ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2007, waxaana ay Soomaaliya ka howl galayeen muddo 10 sano ah, waxaana tan iyo mudadaas Ciidamada Uganda kaga dhintay Soomaaliya ciidamo fara badan oo ay ugu dambeysay 12 askari oo bilo ka hor looga dilay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishii May ee sanadkan hal sanno ugu kordhiyay howl galka AMISOM illaa sanadka 2018, sidoo kale waxaa bishii August ee sanadkan isku raacay in la dhimo tirada Ciidamada jooga Soomaaliya, lagana soo saaro kun askari, kaddib markii Midowga Yurub ay jarteen dhaqaalihii ay ku bixinayeen Howl galka AMISOM.

Thursday, 23 November 2017

US MILITARY KILLED MORE THAN 100 ALSHABAAB

US MILITARY KILLED MORE THAN 100 ALSHABAAB The U.S. military said it killed more than 100 Islamist militants in Somalia on Tuesday when it launched an air strike against al Shabaab, an al Qaeda-linked insurgent group that wants to topple the U.N.-backed government.
The military’s Africa Command said the strike was carried out on a camp 125 miles (201 km) northwest of the capital, Mogadishu and that the United States would continue to target militants.
The strike was done in coordination with Somalia’s federal government, the Pentagon said.
U.S. air strikes killing such a large number of militants in Somalia are rare, but not unprecedented. In March 2016, a U.S. air strike killed more than 150 al Shabaab fighters in Somalia.
Somalia’s state news agency SONNA reported late on Tuesday that “about 100 militants” were killed when U.S. planes and Somali commandos attacked al Shabaab bases in the Bur Elay area of Bay region.
Al Shabaab spokesman Abdiasis Abu Musab denied the attack. “It is just…propaganda,” he told Reuters in Somalia.
Al Shabaab is fighting to topple Somalia’s Western-backed transitional federal government and impose its own rule on the Horn of Africa country.
Earlier this month, the U.S. warned of a threat to its diplomatic staff in Mogadishu and directed all non-essential staff to leave the capital.
Al Shabaab has lost control of most of Somalia’s cities and towns since it was pushed out of Mogadishu in 2011. But it retains a strong presence in parts of the south and center and carries out gun and bomb attacks.
“Al-Shabaab has publicly committed to planning and conducting attacks against the U.S. and our partners in the region,” the U.S. military statement said.
Al Shabaab aims to topple Somalia’s government, drive out African Union peacekeeping troops and impose its own harsh interpretation of Islamic law.
Earlier this month, the U.S. military also carried out its first strikes against Islamic State militants in Somalia and said it killed “several terrorists.”
https://calisaxafi.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi/
calisaxafi@gmail.com
Cali M Gaaboow

Sunday, 19 November 2017

FARMAAJO MUXUU LKALA HADLI DOONAA IMAARAADKA

FARMAAJO MUXUU KALA HADLI DOONAA IMAARAADKA
19Nofembar 2017
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa u safray dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxdadalkaasi UAE, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay “in la tixgaliyo go’aanka Soomaaliya ee dhex dhexaadnimada ahaa ee ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka,” sida lagu qoray wakaaladda wararka ee dowladda federaalka ee SONNA.
“Fudadaynta howlaha la xiriira Socdaalka iyo dal ku galka iyo in Imaaraatka ay si toos ah uga qayb qaataan dagaalka Alshabaab,” ayaa sidoo kale la filayaa in ay isla soo qaadaan masuuliyiinta labada dal.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya midkii labaad ee uu ku tago Imaaraadka Carabta, tan iyo markii xilka loo doortay, balse safarkan wuu ka duwan yahay kii hore.
Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan saameen ku yeeshay siyaasadda Soomaaliya, kaas oo iska hor keenay madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyayaasha maamul goboleedyada.
Kullan ay dhowaan ku yeesheen Muqdisho, madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamullada, waxaa si wayn la iskula soo qaaday khilaafka ka dhashay xaaladda khaliijka, inkastoo aan la shaacin waxa lagu heshiiyay.
Waxaa sidoo kale dalka Soomaaliya ka jiro gole ay ku mideysan yihiin maamullada federaalka kaas oo la dhisay markii uu baahay dhibaatada siyaasadeed ee ka dhalatay muranka ka dhex taagan Qadar iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka.
Dhowr maamul oo ka mid ah federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay la safteen xulafada Sacuudiga, ayna ka qeybgalayaan go’doominta Qadar. Waxay dowladda dhexe ugu baaqeen in ay ka noqoto go’aanka dhexdhexaadnimada ah, ayna la safato Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Dhanka baarlamaanka Soomaaliya waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, kaas oo xildhibaanada qaar ay ku eedeeyeen in uu faragelin toos ah ku hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Imaaraadka wuxuu dhowaan dowladda Soomaaliya ku wareejiyay illaa 300 oo askeri, hub iyo gawaari, kuwaas oo ka mid noqon doona militariga dowladda.
Safarkii Farmaajo ee Sacuudiga
Madaxweyne Farmaajo ayaa horraantii bishii Oktobar u safray dalka Sacuudiga. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya xilligaas waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Sucuudiga, sida joogtada ah ee uu u taageero.
Dowladda ayaa xilligaasi cadeysay in boqortooyada Sucuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, lacag gaareyso $50 milyan oo dollar.
Waxaa qoraal la soo saaray ka dib safarkii Farmaajo ee Sacuudiga lagu yiri: “Waxaan u mahadcelineynaa Boqortooyada Sucuudiga oo waqtigan baahida loo qabo, noogu deeqday $50 milyan oo dollar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaalaha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u danaynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in boqortooyada Sucuudiga ay ka qeybqaadanayso dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo in deeqda lacageed “la soo gaarsiisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.”
Wasaaradda warfaafinta ayaa warkeeda ku sheegtay in safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Sucuudiga lagu sii xoojinayay xiriirka labada dhinac ka dhexeeya.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in lacagtaasi loo adeegsan doono kordhinta adeegyada dowladda ay u qabato shacabka, sida ku xusan qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.
“Deeqdan $50ka milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbixin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in “deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteynta bixiinta mushaaraadka ciidanka, raashinkooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah.”
Waxaa intaas lagu daray: “Xiriirka walaaltinnimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh. Kaalmadaan oo waqtigan loogu baahi badan-yahay, waa mid ka tarjumeysa sida Boqortooyada Sucuudiga ay uga go’antahay garab-istaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.”
https://calisaxafi.wordpress.com/
http://m.facebook.com/calisuxufi/
calisaxafi@ gmail.com/
Cali M Gaaboow

Tuesday, 14 November 2017

XILDHIBAANADA KOONFUR GALBEED OO LAGALA NOQDAY MUSHAARAADKOODII

Xildhibaanadda Koonfur Galbeed Oo Lagala Laabtay Mushaaraad Loogu Shubay Akoono Banki, Sababta,?
Nov 14, 2017
Xildhibaanadda Koonfur Galbeed Somalia ayaa Shalay loogu shubay Akoonadda Bankiyadda ay ku leeyihiin Mushaar dhan $2100 (Labo Kun iyo Boqol Doolar), balse Maanta ayaa mar kale waxaa u soo dhacay Fariin Qoraaleedyo loogu sheegayo in laga ceshaday Lacagtii u soo dhacday.
HornAfrik ayaa heshay Fariimaha u soo dhacay Xildhibaanadda oo markii hore loogu sheegay Lacagaha soo gaaray, Waxaana Lacagahan la sheegay in Ujeedada laga lahaa ay ahayd in Xildhibaanadda Koonfur Galbeed ay ka laabtaan Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan, Iyadoona markii ay ku dhawaaqeen in Mooshinkaasi ay ka laabteen lagala laabtay Lacagihii loogu shubay Akoonadda.
Xildhibaanadda Koonfur Galbeed ayaa markii ay heleen Lacagahan waxay ka hor sheegeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed inay ka laabteen Mooshinkii ka dhanka ahaa Shariif Xasan, Waxayna badaleen Mowqifkoodii hore, hase yeeshee markii lagala laabtay Lacagihii ay heleen waxay dib u billaabeen Abaabulo ka dhan ah Shariif Xasan.
Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed ayaa lacagahan ugu shubtay Xildhibaanadda Akoonadda ay ku leeyihiin Bankiyadda Gaarka loo leeyahay, Waxaana kadib Xildhibaanadda loo diray Fariin Qoraaleedyo loogu sheegayo in Lacagtaasi lagu soo qalday, dibna looga saaray Akoonadooda.
http://banadirpost.blogspot.com
http://calisaxafi.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi
calisaxafi@gmail.com
Cali M Gaabooe

XILDHIBAANO KA NOQDAY MOOSHINKII

Xildhibaano ka noqday mooshinkii Shariif Xasan
Xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan gudaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaan wali wax xal rasmi ah ah loo helin.
Hase yeeshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka maamulka ee horey uga gudbiyay mooshin lagu diiddan yahay madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa qaarkood hadda ka noqday mooshinkii ay saxiixeen.
Sababta keentay isbaddalka mudanayaasha iyo dadaal la doonayo in lagu qaboojiyo xiisaddaasi

https://youtu.be/4edFTvD9_GU

http://banadirpost.blogspot.com
http://calisaxafi.wordpress.com
http://m.facebook.com/calisuxufi
calisaxafi@gmail.com
Cali M Gaaboow